Madaxweyne Farmaajo Oo Saxeexay Sharciga Dhismaha Guddiyada La Dagaallanka Musuqa

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxeexay Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dhibaatada uu musuqmaasuqu ku hayo dowladnimada iyo horumarka dalka Soomaaiya, kaas oo xusay in sharcigani uu horseedayo dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa, oo u xilsaaran ka hortagga iyo xakamaynta musuqmaasuqa.

“Musuqmaasuqu waa cudur kansarka ka daran. Maxaa yeelay kansarku qof qudha ayuu dilaa, laakiin musuqmaasuqu bulshada oo dhan ayuu dilaa. Waxaan rajaynaynaa in xubnaha Guddiyadan la soo xulayo ay noqdaan dad ku tilmaaman dhaqan wanaagsan, diin iyo waddaniyad.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Wasiirrada, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan dadkii qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay doorkii ay ku lahaayeen tifaftirka iyo dhammaystirka Sharciga.

“Dowlad wanaaggu waa wax dowladda laga rabo, waa nagu waajib in aan hagaajinno heerarka kale duwan ee Dowladda. Waa xaqiiq in hal mar aan la wada sixi karin wax walba, maadaama dalku muddo dheer burbursanaa oo ay abuurmeen dhaqanno xun, marka in dhaqankaas iyo hab-fekerka bulshada la beddelo ayaan rabnaa” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.