Sucuudiga Oo Wacad Ku Maray Inay Ka Jawaabayaan Weerarkii Xarumihiisa Shidaalka Lagu Qaaday

Riyadh, (HCTV) –  Dalka Sucuudi Carabiya ayaa sheegay inay ka jawaabayaan marka ay qiimaynta lagama maarmaanka ah ay ku sameeyaan weerarkii lagu qaaday laba carumood oo loo adeegsado Shidaalka dalkaasi.

Wasiirka Arimaha dibada Sucuudiga Cadel al-Jubeyr ayaa sheegay in hubkii loo isticmaalay weerarkaasi uu ahaa Hubka Iran, waxaanu wacad ku maray inay baahin doonaan xaqiiqo buuxda oo ku saabsan baadhitaanka dhacdadaasi.

Mar sii horaysay oo maanta ah ayaa sarkaa sare oo ka tirsan milatariga dalka Iran uu sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay burburiso Gardarada kadib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay inay ciidamo u diyarayaan Sucuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo Iran ay taageero ayaa iyagu sheegtay masuuliyada weerar diyaarad aan nooca duuliyaha lahayn iyo Gantaal lagu duqeeyey 14-kii September xarumaha shidaalka loo adeegsado ee dalkaasi.

Xiisada u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu joojiyey heshiis dhinaca Nuclear-ka ah oo hore loola galay Iran, Cunaqabatayno dheeraad ahna uu dul dhigay dalkaasi Iran.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.