Waa Sidee Xaalad Caafimaad Ee Maryan Mursal Ciise Oo Jiifta Cisbitaal Hargeysa Ku Yaalla ?

Hargeysa (HCTV) – Fanaanadda Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise ayaa Xaalad Caafimaad ugu jirta Cisbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Fanaanadda oo safartay Magaalada London ee Caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku soo dhex Xanuunsatay diyaaraddii ay Hargeysa ugu soo safartay, waxaana la dhigay Cisbitaal ku yaalla Hargeysa, si Xaaladdeeda Caafimaad loola Tacaalo.

Fanaanadda oo uu Maanta Cisbitaalka ku booqday Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka warrantay Xaaladdeeda Caafimaad ee xilligan iyo siduu Xanuunkeeda ku bilaabmay.

“Anigoo ku soo socda Hargeysa oo diyaaraddii soo raacay ayaa lug iyo gacan culays badan ka dareemay, taas oo dadkii la socday diyaaraddii iga soo dajiyeen, waxaana la ii keenay cisbitaalkan, hadda waan caafimaad qabaa oo gacantii way shaqaynaysa, balse lugtii baa weli sideedii hore ku soo noqonin oo culays i ah” ayey tidhi Maryan Mursal

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka