Soomaaliya: Al-shabaab Oo Sheegatay Inay 23 Askari Saaka Ka Dishay Ciidammada Dawladda

Soomaaliya (HCTV) – Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay Saaka Weerar ku qaadday Saldhig ay Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini, halkaasina ku dileen Askar ka mid ah kuwii Dawladda ee Saldhiggaa ku sugnaa.

Warbaahinta Al-shabaab taageerta ayaa soo werisay in weerarka oo dhacay Subaxdii hore ee Saaka uu ku bilaabmay Qarax loo adeegsaday Gaadhi laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa, markaasi ka dibna dagaalyahanannada Al-shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen Saldhigga.

Geesta Kale, Afhayeenka Ciidammada Al-shabaab oo lagu Magacaabo Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab oo Warbaahinta Al-shabaab la hadlay ayaa sheegtay in ugu yaraan 23 Askari oo ka mid ahaa Ciidammada Dawladda Soomaaliya halkaa lagu dilay, Dagaalayannada Al-shabaabna halkaa ka qaateen Gaadiid iyo Hub tiro badan.

Sheegashada Al-shabaab ma jirto Cid Madax-bannaan oo xaqiijisay, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Adan Cali (Najax) oo goor dambe oo Maanta ah ka hadlayna wuxuu sheegay inay Ciidammadu iska difaaceen Weerarka Al-shabaab, laakiin ma soo hadal qaadin khasaaraha Al-shabaab sheegtay inay gaadhsiisay Ciidammadii ku sugnaa Saldhigga la weerarray oo ku yaalla deegaanka Ceel-Saliini oo ka mid ah Degmada Aw-dheegle.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka