Boorama: Saddex Carruur Ah Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Gurigooda + Akhri

Boorama (HCTV) – Saddex Carruur ah oo ka ugu weyni ahaa 10 sano jir ayaa ku dhintay Dab ka kacay Gurigooda oo ku yaallay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Saddexda Carruurta ah oo dhammaantood ahaa Hablo ayaa ku dhex shuf-beelay Gurigooda oo ahaa Sandaqad laba Maqsin ah, sida uu sheegay Taliyaha Saldhiga dhexe ee Magaalada Boorama, Muuse Cabdillaahi Hanfi.

Taliyaha Saldhigga dhexe ee Magaalada Boorama oo faahfaahinaya Geeridan naxdinta leh eek u timid Saddexda Carruur ah oo Xilliga dabku kacay Guriga ku jiray, ayaa yidhi “Waxa gubtay guri ku yaalla Xaafadda Jarka oo ay ku jireen Saddex yar yar oo Carruur ah, Saddexda Carruurta ay oo ay u waynayd mid 10 jir ahi way ku gubteen, halkaas ayay ku bas beeleed, Meydkoodiina waanu soo qaadnay, Cisbitaalka ayaanu dhignay, baadhistiina way socotaa..”

Taliyuhu wuxuu in Allaah uu iimaankooda u sugo ugu duceeyay Waalidiinta dhalay Carruurtan “Allaah ha u naxariisto, Waalidkoodiina Allaah Samir iyo iimaan haka siiyo oo Iimaankooda ha u sugo..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka