Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Shirka Golaha Guud Ee Qarramada Midoobey

New York, (HCTV) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu  ka soo muuqdo shirka Golaha Guud ee Qarramada Midoobey uga furmaya magaalada New York markii ugu horeysay tan 2017-dii oo uu xafiiska la wareegay.

Madaxweynaha oo wehliyaan xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maalintii shalay ka anbabaxay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa inta uu jooga magaalada New York waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato hoggaamiyayaasha caalamka ee isugu imanaya shirka wareega 74aad ee Qarramada Midoobey,.

Socaalka madaxweynaha ee Mareykanka ayaa imaanaya kaddib markii uu ku dhawaaqay in uu ka laabtay heysashadii dhalashad Mareykanka oo la sheegay in ay sabab u aheyd in madaxweynuhu ka baaqdo shirarkii hore ee Golaha Guud ee Qarramada Midoobey.

Shirkan ayaa lagu wadaan in hoggaamiyayaasha caalamka uga arinsadaan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.