Suxufiyiin Ka Hawlgala HadhwanaagNews Oo Xoriyadoodii Dib U Helay

Hargeysa, (HCTV) – Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa xaqiijiyey in suxufiyiin ka hawlgala shabakada Wararka ee HadhwanaagNews oo kuj dhawaad 15-kii maalmood ee u dambeeyey xidhnaa in xoriyadoodii ay dib u heleen.

Suxufiyiinta la soo daayey ee Hadhwanaag News oo ay ka mid ahaayeen Cabdirisaaq Good iyo Cabdiqani Asporo ayaa ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA uu sheegeen in lagu sii daayey damaanad uu ka shaqeeyey ururku, sida ay hadalka u dhigeen.

Suxufiyiintan ka tirsan Hadhwanaag ayaa xadhigoodu yimid kadib markii dhawaan Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ay shirkada Isgaadhsiinta ku amartay inay xayiraan Shabadda kadib markii ay daabacwaday warar ku saabsan eedo musuqmaasuq oo ay ka hortay gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.