Madaxweynihii Hore Ee Somalia Oo Laga Hor-Istaagay Inuu Ka Qaybgalo Caleemo Saarka Axmed Madoobe

Sharif Sheikh Ahmed, currently the President of Somalia's Transitional Federal Government talks during a news conference in central London, Tuesday March 9, 2010. Sheikh Ahmed, who was one of the most senior leaders of the Islamic Courts Union (ICU), a hard-line Islamist militia movement in Somalia is currently in Britain seeking support for his government. (AP Photo/Lefteris Pitarakis)

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Sharif Sheikh Ahmed iyo wefti uu hogaaminayey oo ka tirsan xisbigiisa Himilo ayaa laga horjoogsaday inuu u safro magaalaa Kismaayo oo uu kaga qaybgalayey caleemo saarka Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland dhawaan loogu doortay Madaxweynaha Axmed Madoobe.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Himilo ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed in laga horjoogsaday kaas oo ka socdaali lahaa magaalada Muqdisho Axadii shalay.

Madaxweynahan laga horjoogsaday inuu ka socdaalo garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde International Airport ee Muqdisho ayaa afar saacadood ka dib markii uu ka yimid dalka Turkiga lagu horjoogsaday garoonka inuu u socdaalo Kismaayo, sida ay warbaahinta maxaliga ah ay u sheegeen xubno ka tirsan xisbiga Himilo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.