Shariif Sheekh Axmed Oo Cambaareeyey Talaabadii Dawladda Farmaajo Kaga Horjoogsatay Inuu U Socdaalo Kismaayo

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta maanta kula hadlayay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaiya ayaa siweyn u weeraray madaxda ugu saraysa dalka oo sida uu hadalka u dhiggay isku arka kuwo sharciga ka sarreeya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho oo ka hadlay sidii dawladu ugu diiday socdaal uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu yidhi ”Haddii uu Farmaajo sharciga u ogolaanayo in uu Garoonka ka dhoofo, Annigana sharciga ayaa ii ogolaanaya, Kismaayo sabab kasta ayaa u tagi karaan, laakiin waxa Anniga igu dhacay waa wax fudud oo aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan,waxaan arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo  dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax  galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh isaga oo heysata awooddii dowladnimada aqbalay in doorashada looga guuleystay kuna wareejiyay xilka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sababta uu sidaa u sameyayna tahay in uu waqtigaa ilaalinayay sharciga Dastuurka dalka oo madaxweyne kasta u ogolaanaya in uu xukunka hayo muddo 4 Sano ah.

Wuxuu sheegay in dowladdo rabto oo kaliya in ay maquuniso dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan, isaga tusaale u soo qaatay in uusan jirin maamul gobollleed u madax-bannaan doorashooyinkiisa iyo Is-maamulkiisa hoose oo ay dowladdu xidhiidh la leedahay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.