“Labada Kornayl Way Iska Tagi, Hadday Shaqayn Waayeen..” F. C. Waraabe

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Shacabka Somaliland looga baahan yahay inay ilaashadaan Nabadgalyadooda iyo Wada-jirkooda.

Faysal oo hadal ka jeediyey Munaasibad Shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay haddii Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa Arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin ku fashilmaan Talada Dalka ay mari doonaan Dariiqii ay mareen Madaxdii xukunka dalka uga horraysay, isla-markaana laga codayn doono xilliga doorashada

“Waxeena waxaynu ku dhamaysanaynaa Dimuqraadiyadda, Qofkii shaqayn waaya waynu ciqaabi doonaa oo Xafiiska ayaynu ka saari doonaa Haddii Allaah yidhaahdo, imisaa innaga tagay?..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Labada kornaylna way innaga tagi hadday shaqayn waayaan, waxa la isku xantaa Madaxweyne Muuse Iyo Maxamed Kaahin’e, hadday ku fashilmaan (Talada Dalka) waynu ka codayn doonaa, wayna iska tagi doonaan..”

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay dedaal badan gelisay sidii ay u khalkhalin lahayd Shacabka Somaliland, sidaasi awgeed ay Cadowgooda meel uga soo wada jeedsadaan, isla-markaana aanay rumaysanin Wararka Borobagaandada ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka