Akhri: Budhcad-badeed Soomaali Ah Oo siidaayey Mad-maaxe Reer IRAN Ah

Soomaaliya (HCTV) – Bad-maaxe u dhashay Dalka IRAN oo Afduub loogu haystay Soomaaliya ayaa la siidaayey.

Ninkan reer IRAN ayaa la siiyey, ka dib markii uu u Geeriyoon gaadhay  Nafaqo-darro, sida uu sheegay kornayl British ah oo ka shaqeeyay dhexdhexaadinta laga galay siidayntiisa, sida uu Maanta baahiyey Wargeyska The Telegraph.

Ninka la siidaayey ayaa waxa haystay Budhcad-badeed Soomaali ah, laakiin ilaa hadda saddex kale oo IRAN u dhashay ayaa Afduub loogu haystaa Soomaaliya, sida uu qoray Telegraph.

“Ninkani wuu dhimanayey, wuxuu u ekaaday Qalfoof, gudaha ayuu ka dhiig-baxayey, wuxuu la silcaayey Nafaqo-darro..” ayuu yidhi, Kornayl hawl-gab ka noqday Millateriga Ingiriiska, kaasi oo Ninkan ka caawiyey in la siidaayo, waxaanu intaa ku daray “Waxaan ka shakisanahay in kuwa kalena Xaaladdoodu sidaasi tahay..”

Mohammad Sharif Panahandeh oo ah Ninka reer IRAN ee la siidaayey ayaa ka mid ahaa 21 Qof oo Shaqaale ka ahaa Markab Budhcad-badeed Soomaali Afduubtay sannadkii 2015-kii.

8 ka mid ahaa Dadkaa la afduubay way dhinteen, 5 way ka baxsadeen budhcad-badeeda, halka kana uu yahay Qofkii Afraad ee IRAN loo siidaayo.

Budhcad-badeedu waxay u qabsatay Bad-maaxayaasha inay ka qaataan Lacag Madax-furasho ah, laakiin Mr Panahandeh lagama qaadin wax lacag ah, sababtana waxa lagu sheegay in Budhcad-badeedu aamineen inuu geeriyoon doono hadday sii hayaan, maaddaama oo uu Xaalad adag ku sugnaa.

“Waxa la siidaayey dhammaadka Toddobaadkii hore, laakiin wuxuu jooga Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo, waxaanu isku dayayaa inuu safro isagoo Caafimaad qaba, Annaguna Xaaladdiisa waanu dejinay.” ayuu yidhi, Kornaylka Hawl-gabka ah ee Xaaladda Ninkan ka warramay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka