Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Muuse Ku Eedeeyey Cabudhin Shacabka Awdal Ay Ku Hayso

Boorama, (HCTV)  – Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka dayriyey falal guracan oo uu sheegay xukuumadu ay kula kacayso shacabka ku dhaqan gobolka Awdal, kuwaas oo uu sheegay in cabudhin joogto ah lagu hayo.

Maxamed Cali Aw Cabdi waxa uu tilmaamay in mar uu isku dayey inuu booqdo Xildhibaano ka tirsan gobolka Awdal oo xukuumadu xidhay in loo diiday inuu booqdo xildhibaanadaasi, isla markaana ay ku qaadatay laba saacadood sidii kolba codsi iyo arji loogu dirayey inuu soo qorto, aakhirkiina loo diiday.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani ayaa arimahaasi iyo arimo kale kaga hadlay shir jaraa’id oo uu maanta qabtay waxaanu yidhi “Waxa nasiibdaro ah in maanta aniga oo la socda gudoomiyaha gobolka Awdal ee xisbiga Waddani in ay nagu qaadato laba saacadood oo kolba naloo dirayey arji soo qorta oo maxkamad taga oo markii dambe naloo diiday waa nasiib daro. Waxay ka mid tahay cabudhinta dadka lagu hayo,” ayuu yidhi Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi.

“Waxa nasiibdaro ah in Madaxweynaha iyo Wasiirka arimaha guduhu inay ahaayeen nimankii u adkaysan waayey xukunkii dawladdii dhexe ee Somalia oo cabudhintii markii ay u adkaysan waayeen ka cararay, waa nasiibdaro inay iyagu maanta yidhaahdaan dadka ha la cabudhiyo oo ay xalka ka doonaan in la xidho oo loo caga-jugleeyo oo loo diido oo a dhagaysan waayo waxa ay ka cabanayaan,” Ayuu yidhi Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi.

Sidoo kae mar uu ka hadlayey arinta saamiqaybsiga in lagu koobay oo kaliya golaha Baarlamaanka oo kaliya, ayaa tilmaamay in sidoo kale mansabyada xukuumada loo baahan yahay in laga sameeyo saabiqaybsi.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani isagoo arintaasi saami qaybsiga ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Saamiqaybsiga maaha in lagu soo koobo oo kaliya Baarlamaanka oo 13 ah, Saamiqaybsigu waxa weeyi halka ugu saraysa dawladda iyo halka ugu hoosaysa in dadka loo miisaamo oo ay u sinaadaan,” ayuu yidhi Musharax Maxamed Cali Aw Cabdi.

Sidoo kale Musharaxu waxa uu ka hadlay colaada dami wayday ee mudada badan ku soo noqnoqota gobolada Bariga Somaliland gaar ahaana deegaanka Ceel Afweyn, Musharax Maxamed Cali Aw Cabdi isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan aad uga xumahay Illaahayna ka baryayaa colaadan dami wayday ee Ceel-Afweyn in Illaahay faraj ummadda Soomaaliyeed uga soo bixiyo dadka walaalaha ah ee wada degan in Illaahay khayrka waafajiyo.” Ayuu yidhi Musharax Maxamed Cali Aw Cabdi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.