20 Qof Oo Ku Dhintay Dhulgariir Ku Dhuftay Kashmir Qaybta Pakistan Maamusho

Kashmir, (HCTV) – Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay tiro ka badan 300 qofna way ku dhaawacmeen kadib markii dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.8  magnitude uu ku dhuftay Kashmir qaybta ay Pakistan maamusho iyo gobolka Punjab.

Dhulgariirkan ayaa sidoo kale ka dhacay ama gaadhay 22 kilometres (14 miles) oo ka mid ah magaalada waqooyiga ku taala ee Jhelum oo ay kala qaybiso dhul beereed ah wadnaha gobolka Punjab iyo Kashmir qaybta ay Pakistan maamusho.

“Wakhti xaadirkan waxa aan kuu xaqiijin karaa dhimashada 20 qof iyo dhaawaca 300 qof. Tiraduna way sii kordhaysaa maxaa yeelay ilaa iyo hadda dad ayaa la keenayaa cusbitaalada,” sidaasi waxa yidhi Taliyaha Booliska Mirpur oo magaciisa la yidhaa Gul Faraz, kaas oo u waramayey warbaahinta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.