New York: Amiirka Qadar Oo Ka Hadlay Is-Balaadhinta Israel Iyo Xiisada Gobolka

New York, (HCTV) – Amiirka dalka Qadar, Sheekh  Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa ku baaqay in la dajiyo xiisada ka oogan Gacanka, isla markaana la ilaaliyo xasiloonida gobolka.

Sidoo kale Amiirku waxa uu ka hadlay deegaamada cusub ee Israel ay ka wado dhulka Falastiiniyiinta iyo guud ahaan dhulka ay xooga kagaga qabsatay dalalka Carabta.

Amiirka daka Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyey shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacaya magaalada New York ee dalka Maraykanka.

“Muhiimada Istaraatajiyadeed ee Gacanku uu dhaco waa ta keentay xasiloonida gobolka iyo Caaamkuba inuu u baahdo,” ayuu yidhi Amiirka Qadar, Waxaanu intaasi ku daray “Doorkeenu waxa weeyi in aynu cadayno khatarta ku soo socota goboka iyo inaynu meesha ka saarno khilaafka inagoo u marayna wadahadal ku dhisan danta guud iyo xushmaynta madaxbanaanida dalalka.” Ayuu yidhi Sheekh Tamim bin Hamdan.

Waxaanu sidoo kale Amiirku uu carabka ku dhuftay habdhaqanada sharci darada ah ee Israel ay wado iyo deegaanada ay isku fidinayso, taas oo keentay in dhamaan qaraaradii Qaramada Midoobay ay jabisay oo ay ka talaabsatay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.