Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhigiisa Kenya Oo Ku Kulmay New York

New York, (HCTV) – Hoggaamiyeyaasha dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada New York markii ugu horreysay muddo bilo ah iyada oo ay sii xumaaneyso xidhiidhka labada dal ka dhexeeya ka dib markii ay soo shaac baxday khilaaf dhinaca badda ah ee u dhexeeya labadooda dal.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhurru Kenya ayaa la sheegay inay ka wadahadleen arimo dhawro ah kadib markii kulan dhexdhexaadin ah la yeesheen gudoomiyaha Midowga Afrika Abdel Fatah Sisi oo ah madaxweynaha dalka Masar qeybaha 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Madaxtooyada ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed ayaa xaqiijiyay kulankaasi, waxaanu xusay in labada hogaamiye aanay furin wadahadalo cusub oo ku saabsan kiiska badda.

“Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen inay ka shaqeeyaan sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka labada dal iyada oo aan wax saameyn ah ku yeelan dacwadda badda ee ICJ taasoo qaadan doonta go’aanka kama dambaysta ah ka dib markii Madaxweynaha Masar H.E Abdelfatah Al Sisi uu shir saddex geesood ah uga hadlay xaduudaha UNGA,” Maxamed ayaa barta Twitterka ku soo qoray.

In kasta oo Soomaaliya ay u istaagtay ka soo horjeedka wadahadal kasta oo arintaas ku saabsan, Kenya waxay si isdaba joog ah u dooneysay meel ka baxsan maxkamad in lagu wadahadlo.

Maamulka Kenyatta ayaa bishan dalbaday inay arinta soo faragaliyaan Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika arrinta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.