Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay Xaafada Taleex degmada Hodan ee gobolkan Banaadir, kaa oo la sheegay in lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil ciidan.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa miino la dhigay  wadada dhinaceeda in uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana goobjoogayaal ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay sheegeen in ilaa saddex askari ay ku dhinteen qaraxan.

Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah dhankooda kama bixin qaraxaas, waxaana sidoo kale weli sirasmi ah aan loo ogaan saraakiisha saarneyd gaariga qaraxa miino lala eegtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Hodan ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo mudo kooban xiray isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Dalcada Taleex wallow markii dambe ay dib u fureen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.