Afrika: Madaxweyne Hore Walaalkii, Sirdoon Iyo Hoggaamiye Xisbi Oo Lagu Xukumay Min 15 Sano Oo Xadhig Ah

Algeria (HCTV) – Maxkamadda Ciidammada Dalka Algeria ayaa 15 Sanadood oo Xadhig ah ku xukuntay Nin ay Walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Dalkaasi, Abdulaziz Bouteflika.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu waday Shir-qool ka dhan ah Dawladda iyo arrimo uu ku carqaladaynayo Ciidammada, sida ay ku warrantay Warbaahinta Dawladda Algeria.

Saddex Qof oo kale iyo laba Qof oo hore uga mid ahaa Saraakiisha Sirdoonka Algeria ayaa lagu riday Xukun la mid ah ka lagu riday Abdulaziz Bouteflika Walaalkii.

Said Bouteflika oo ah Ninka Walaalaha yihiin Abdulaziz Bouteflika ee la xukumay ayaa loo arkayey inuu ahaa awooddii Dalka xukumaysay, markii Walaalkiisii Madaxweynaha ahaa Abdulaziz Bouteflika uu ku dhacay Xanuunka Qalalka ama Istarooggu, sannadkii 2013-kii, sida ay baahisay Aljazeera oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Said Bouteflika oo Salaasadii Shalay la xukumay, ayaa waxa bishii May ee sannadkan la qabtay isaga iyo laba ka mid ahaa Saraakiishii Sirdoonka oo Magacyadoodu kala yihiin Mohamed Mediene iyo Bachir Tartag iyo Hoggaamiye Xisbi Mucaarad ah, kaasi oo Magaciisu yahay Louisa Hanoune.

Ragga ayaa Dawladdu ku eedaysay in marka la qabtay ay wadeen Shirqool ka dhan ah Dawladda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka