Sababta Dib Loogu Dhigay Xafladdii Maanta Lagu Caleemo-saari Lahaa Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Maamul-gobolleedka Jubbaland, Cabdi Xuseen ayaa sheegay in dib loo dhigay Xafladdii lagu Caleemo-saari lahaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed-Madoobe.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta Muddada dib loogu dhigay xafladdu ay tahay inay Magaalada Xamar iyo Meelo kale oo Soomaaliya ka mid  ah ku xayiran yihiin Dad doonayey inay Xafladda ka qayb-galaan, maaddaama oo Dawladda Soomaaliya xayiraad saartay diyaaradaha ka duulaya Xamar ee Kismaayo ku socda.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu idiin caddaynaynaa in muddo kooban dib loo dhigay Caleemo-saarkii Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe), taasi oo ay sabab u tahay joojintii sharci-darrada ahayd ee diyaaradaha soo aadayey Jubbaland ay Xukuumadda Soomaaliya ku soo rogtay, arrintaasi oo keentay Madaxweynayaashii hore ee Qaranka oo soo aadayey Jubbaland ay ku xanibmaan Xamar, waxa kale oo Xanibmay Xildhibaannadii labada Gole iyo marti-sharaf kale oo faro badan.”

Xafladda Caleemo-saarka ayaa dhici lahayd Khamiista Maanta oo ku beegan 26-ka bisha 9-aad ee sannadka, 2019.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka