Qarax Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Qarax xooggan oo laga maqlay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay Isgoyska Soobbe, duhurka Khamiista Maanta.

Qaraxan ayaa lala beegsaday Gaadhi nooca aan xabbadu karin ah oo Midabkiisu Madow yahay, kaasi oo ah nooca Madaxda Dawladdu kaxaysato ah, laakiin illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxan oo ahaa Mid culus.

Warar kala duwan soo ka soo baxaya Qaraxa ayaa qaarkood sheegayaan in Gaadhiga Xabbadu aanay karin uu ku xidhnaa Qaruxu, halka Warar kalena sheegayaan in gaadhi kale Qarxay isla-markaana uu waxyeeleeyay Gaadhiga aanay Xabbadu karin ee marayey Isgoyska Soobbe.

Ciidammada ammaanka ayaa la arkayey oo Goobta Qaraxu ka dhacay ku Qulqulaya iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah.

HCTV kala soco Warkan oo dhamaystiran

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka