Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shirka Baarlamaannada Dalalka Barwaaqo-Sooraaanka Oo Ka Furmay Uganda

Kampala (HCTV) – Magaalada Kampala ee Caasimadda Dala Uganda ayaa waxa Maanta ka furmay Shirka Baarlamaannada Dalalka Barwaaqo Sooraanka oo ay ku jirto Somaliland.

Shirka Dalalka Barwaaqo Sooraanka ayaa waxa Somaliland uga qayb-galay Wefti ka socda Golaha Wakiillada Somaliland, kaasi oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ka mid yihiin Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibedda ee Golaha Wakiillada Somaliland Axmed Nuur Kijaandhe, Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye).

Weftiga Somaliland uga qayb-galaya Shirkan ayaa sidoo kale waxa ka mid ah Cabdicasiis Ismaaciil iyo   Xamse Xaaji Dool.

Shirka waxa furay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musefeni , waxaana kasoo qaybgalay dawladdo badan oo ku jira waddamada Barwaaqo Sooranka oo Somaliland ka mid tahay.

Weftiga Somaliland uga qayb-galaya Shirka Baarrlamaannada Dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa waxa Somaliland ku marti-qaaday Madaxweynaha Uganda, kaasi oo Caawana Casuumad u samaynaya Madaxda ka socda Dalalka Barwaaqo-sooraanka ee ka qayb-galaya Shirka Baarlamaannada Barwaaqo-sooranka.

Waxa Xusid mudan in Weftiga Somaliland ay Arbacadii Shalay kulan la yeesheen Wasiirka Arrimaha dibedda ee Uganda Sam Kuteesa.

Kulanka Baarlamaannada Dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa ah kii 64-aad, 52 sanadood ka dibna waa markii koowaad ee Uganda marti-geliso.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka