Madaxweyne Farmaajo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Safaarada Somalia Ee Maraykanka

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah xadhiga uga jray dhismaha Safaarada cusub ee Somalia ay ku yeelanayso magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Jaaliyadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay dhismaha cusub madaxweynaha Soomaaliya oo ay weheliyaan, wasiirrada arrimaha dibadda , maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo, oo madashii xadhig ka jarida ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu dejiyay qorshayaal dhowr ah markii uu xafiiska la wareegay oo ay ugu horreeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa ‘qabka umadda Soomaaliyeed’ iyo xasillooni siyaasadeed, waxaana uu markaa tilmaamay in ahmiyad uu Marekanka u leeyahay Soomaaliya.

“Sirta aan ku iibsannay dhismahan safaaradda ayaan idin sheegaya, waxyaabihii la isku riddi jiray ayaan meel dhignay.. Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare is riddaya wixii lagu qarash gareyn jiray ayaan ku gadnay.” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay dowladda Soomaaliya inay dhowaan dhismayaal u iibin doonto safaaradaha dalka ee ku yaalla dibadda,isagoo marka soo hadal qaadday London,Canada iyo Koonfur Afrika.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington DC  ayaa horey u degganeyd dhisme kiro ah,balse waxaa calanka jamhuuriyada la suray dhisme ay leedahay dowladda Soomaaliya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.