Doorashada Madaxtooyada Afghanistan Oo Cabsi Xoogle Hadhaysay

Kabul, (HCTV) – Codbixinta ayaa ka socota dalka Afghanistan kadib markii saaka looga dareeray inay dadku codkooda ka dhiibtaan doorashada Madaxtooyada dalkaasi, markii afraad tan iyo intii ay dhacday dawladdii Taliban sanadkii 2001-kii.

Madaxweynaha hada xilka haya ee dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa kula loolamaya mar kale xilkaasi 15 nin oo kale oo uu ku jiro ninka ugu cadcad ee Abdullah Abdullah.

Ciidamada amaanka ayaa ku jira feejignaan dheeraad ah iyagoo ka cabsi qaba hanjabaado ururka Taliban uu ku sheegay inuu weerari doono goobaha codbixintu ka socoto.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.