Xuutiyiinta Oo Sheegay Inay Qabqabteen Kumanaan Ciidammada Sucuudiga Ah

Yemen (HCTV) – Jabhadda Xuutiyiinta ee dagaallada ka wada Dalka Yemen ayaa sheegay in weerar ay ka fuliyeen Xuduudka Yemen la wadaagto Sucuudiga, gaar ahaan Koonfurta-galbeed ee Gobolka Najraan ay ku qabqabteen kumanaan ka mid ah Ciidammada Dagaalka kula jira Xuutiyiinta, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Saraakiil Sucuudiyaan ah.

Laakiin, Illaa hadda Dawladda Sucuudigu ma xaqiijin sheegashada Xuutiyiinta ee ah inay qabsadeen kumanaan ka mid ah Ciidammada Sucuudiyiin ah oo ay ku jiraan Saraakiil.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in Hawl-gal qaatay 72 Saacadood oo ay taageerayeen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones-ka, Gantaalaha Riddada dheer ay ugu suurto-gashay inay ku qab-qabtaan Kumanaan ka mid ah wuxuu Afhayeenku ugu yeedhay ‘Ciidammada Cadowga’, kuwaasi oo ay ku jiraan Saraakiil iyo Askarta Dawladda boqortooyada Sucuudiga.

Telefiishanka Almasirah TV oo soo xiganaya Afhayeenka u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in Dagaalyahannada Xuutiyiintu qabsadeen gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah.

Weriyaha Telefiishanka Al-jazeera ee Yemen ayaa sheegay in hawl-galka Xuutiyiintu ka dhacay dhul dhowr boqol oo KM ah oo ku teedsan xuduudka Sucuudiga, iyagoo adeegsanaya Taatikooyin kala duwan, sida Askarta meesha fog wax ka toogta ah ee loo yaqaano (Sniper-ka), kuwaasi oo toogasho ku dilay Askar badan oo Ciidammada Dawladda Sucuudiga ah.

Sucuudiga iyo Xulafadiisa ayaa Duqaymo ka wada Dalka Yemen, duqaymahaas oo ay doonayaan inay kaga takhalusaan jabhadda Xuutiyiinta oo Xoog Dalka kaga saaray Xukuumaddii Madaxweynaha Yemen ee Caalamku aqoonsan yahay, Mr. hadi, laakiin Xuutiyiinta oo arrintaa ka fal-celinaya dagaal culus kula jira Sucuudiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka