IRAN Oo Siidaysey Markab Sitay Calanka UK

Tehran (HCTV) – Markab watay calanka dalka Britain, kaas oo bishii July ay qabsatay Dawladda IRAN ayaa Sabtidii shalay ku xidhtay Dekedda Dubai ee Imaaraadka Carabta.

Markabkan oo lagu magacaabo Stena Impero, kaas oo lagu hayey deegaanka Bandar Cabbaas ee dalka Iran, in ka badan labo bilood, ayaa bilaabay inuu ka dhaqaaqo dalkaas Jimcihii dorraad, isago oo gaadhay Dubai Sabtidii shalay.

Erik Hanell oo ah Agaasimaha shirkadda leh markabkan ayaa warfidiyeenka u sheegay in shaqaalaha markabka la soo daayey ay nabdoon yihiin, niyadooduna ay wanaagsan tahay.

Waxa uu intaas ku daray in shaqaalaha loo diyaariyey sidii ay qosaskoodii dib ugu noqon lahaayeen.

Warka siidaynta Markabka ayaa laga soo xigtay Website ururiya Xogaha la xidhiidha Maraakiibta, sida ay baahisay Idaacadda Maraykanka ee VOA.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka