Cukuse Oo Fariin U Diray Dad Uu Sheegay Inay Nabadgalyada Somaliland Ku Ciyaarayaan

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in nabadgalyadu aanay Somaliland ku joogin wax lagu ciyaaro ama xukuumad lagu lusho, balse nabadgalayda Somaliland tacab farabadan loo soo maray.

Cabdilaahi Cukuse Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somailand ee xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo  ayaa sidaasi sheegay maanta mar uu ka qaybgalay biyo xidheen laga dhagax dhigay deegaanka Laanqayrta Qool-dhuxulaale oo ka tirsan degmada Salaxlay.

“Arinta muhiimka ah ee nabadgalyada, waad ogtihiin maalmahan dalkeena waxa yara jira qaar ku kaftama nabadgalyada ama saxaafadd ha ka hadlaan ama yay ka hadline, ama kooxo ha noqdaane waxa ay ku had-hadlaan waa nabadgalyadii iyo noloshii dadka oo ay ku ciyaarayaan oo ay ku kaftamayaan. Nabadgalyadu jamhuuriyada Somaliland kuma joogto ciyaar iyo wax lagu ciyaaro ama uu ku kaftamo ama uu xukuumad ku lux-luxdo, xukuumad ku lulan mayno, shalaybaanu xil haynay, maanta ma hayno.

Waanu taageeraynaa, waxaanu ku taageeraynaa nabadda, waxaanu ku taageeraynaa waxqabadka, waxaanu ku taageeraynaa biyahaa dadku cabayaan, waxaanu ku taageeraynaa xoriyada oo aanu illaahay la baryeynaa inuu aqoonsiga inoo soo daadajiyo.

Waxaanu garabtaagnaanaynaa cid kasta oo nabadgalyada hiil u ah, Waxaanu ka dhinac nahay oo aanu ka soo horjeednaa cid kasta oo nabadgalyo daro ehel u ah ama ku hadaaqaysa ama ku had-hadlaysa, Muuse Biixina waxaan qirayaa inuu yahay nin horena usoo halgamay, maantana la filayo inuu ka keeno guushii ugu weynayd, taladii hadii Illaahay kuu dhiibayna, waxaanu Illaahay u baryeynaa inuu la qabto wixii mudada dheer uu ku taamayey inuu dalkani noqdo inuu illaahay la qabto ee wanaag ahaa, dadkana waxaanu leenahay waar iimaansada kuwa qawadayow wali labadii sanadoodba muu dhamaysan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.