Faahfaahin: Xuutiyiinta Oo Sheegay Inay Dileen 500 Askarta Sucuudiga Ah, Qabsadeena 2 Kun

Yemen (HCTV) – Kooxda Xuutiyiinta ayaa Muuqaal ay baahiyeen ku sheegay in hawl-gal ay ka fuliyeen Gobolka Najraan ee Sucuudiga oo ah Gobol Kulaalaya Xuduudka Yemen ay ku dileen illaa 500 Askari oo Sucuudiyaan ah, kuna dhaawaceen.

Xuutiyiintu Muuqaal ay baahiyeen Maanta ayay ku soo bandhigeen Ciidammo faro badan oo ay sheegeen inay ka qabsadeen Dawladda Sucuudiga, kuwo ay laayeen iyo Gaadiid ay gubeen.

Al-jazeera oo Xiganaysa Muuqaalka Xuutiyiinta ay baahiyeen ayaa sheegtay in Ciidammada Sucuudiga laga qab-qabtay ay ka badan yihiin 2 kun oo Askari, waxaana qaarkood lagu soo bandhigay Muuqaalka ay Xuutiyiintu baahiyeen.

Afhayeen u hadlay Dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarkan khasaaraha badan lagu soo gaadhsiiyey Ciidammada Sucuudiga ay ka qayb-qaateen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka iyo Gantaalaha Riddada dheer oo lagu garaacay Goobihii ay Ciidammadu ku sugnaayeen, markii ay isku dayeen inay baxsadaana ay Gantaaluhu dileen in ka badan 200 oo ka mid ah ah 500 ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday Weerarkaasi.

Sucuudiga ayaan illaa hadda ka jawaabin sheegashada Xuutiyiinta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka