Al-shabaab Oo Sheegtay Inay 100 Askari Ku Dishay Saldhig uu Maraykanku Ku Leeyahay Soomaaliya

Bali-doogle (HCTV) – Ciidammada Al-shabaab ayaa weerar lagu bilaabay Qaraxyo u qaaday Saldhig Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Danab ee Soomaaliya ku leeyihiin Bali-doogle.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaadhi laga soo buuxiyay waxybaaha  qaraxa, kaasi oo la sheegay lagu dhuftay Albaabada laga galo Saldhigga  Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha ee Bali-doogle  ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dalka Soomaaliya.

Markaasi ka dib, waxa la sheegay in Dagaalyahanno ka mid ah Kooxda Al-shabaab ee weerarka qaadday ay gudaha u galeen Saldhigga Balli-doogle oo fadhiisin u ah Ciidamo Maraykan ah iyo Ciidammada sida gaarka ah u tababbaran ee Soomaaliya ee loo yaqaano Danab, halkaana uu ka dhacay Dagaal qadhaadh oo u dhexeeya Ciidammadii Al-shabaab oo dhinac ah iyo Ciidammada Maraykanka ee halkaa ku sugnaa iyo kuwo Danab oo isku dhinac ah.

Ma Jiro War ka soo baxay Dawladda Soomaaliya oo Weerarkan la xidhiidha, balse Idaacadda Al-shabaab ee Andulus oo soo xiganaysa Saraakiil ka mid ah Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in Al-shabaab ay weerarka ay ku qaadeen Saldhigga Balli-doogle ay ku dileen illaa 100 Askari, isla-markaana burburiyeen ugu yaraan shan diyaaradood oo isugu jira Drones iyo Helicopters.

Waxa kale oo Warbaahinta Al-shabaab taageertaa sheegaysaa in kooxdii Al-shabaab ee Weerarka ku qaadday Saldhiggu ay qabsadeen goobo ka mid ah Saldhigga, illaa haddana gudaha Saldhigga ka dagaalamayaan.

Al-shabaab weli ma faahfaahin Jinsiyadaha Ciidammada ay sheegeen inay ku dileen Saldhigga Balli-doogle.

HCTV kala soco Wararka ka soo kordha Weerarka

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka