“Farmaajo, Naftii Siyaad Barre Ayaa Gashay..” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Sawir uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu la galay Kornayl Tuke oo Maxkamad Maraykanka ku taal ku heshay inuu xilligii Taliskii Maxamed Siyaad Barre uu Dad Rayid ah ku dilay Magaalada Gabiley ee Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo Toddobaadkan ku sugnaa Maraykanka ayaa la kulmay isla-markaana isla soo Sawiray Kornayl, arrintaasi ayaa Guddoomiyaha UCID ku tilmaamay inay muujinayso in farmaajo ku dheel-dheelayo Shacabka Somaliland iyo Baarlamaankii soo doortay ee Soomaaliya, maaddaama oo uu Sawirro la galayo Shaqsiyaad Tukke ka mid yahay oo Maxkamadaha Maraykanku ku heshay dambiyo xuquuqda Aadamaha lid ku ah.

Faysal oo Maanta la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Markii hore wuxuu xooggiisa saaray inuu Somaliland Curyaamiyo isagoon lahayn awood uu ku curyaamiyo, Maantana Tuke oo Dadka Nolosha ku gubayey (Inuu Farmaajo Sawir la soo galo) waxay ina tusaysaa laba Arrimood, ta koowaad waxa weeyaan innaga ayuu innagu dheel-dheelayaa oo uu leeyahay waxaad tihiin ma jirto, ta labaad, wuxuu ku dheel-dheelayaa Raggii isagoo 21 Maalmood joogay doortay ee yidhi Madaxweyne noqo, kuwaasi oo uu haddana Shalay u diidayey inay Kismaayo tagaan, markaa Dadka aan jirin waa labadeenaa qolo, Dadkeenii baa la xasuuqay.”

Faysal waxa kale oo uu sheegay “Farmaajo, naftii Siyaad Barre ayaa gashay, wuxuu leeyahay waanu soo noqonay oo waanu idin ciqaabi doonaa.”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka