Sawirro: Shir Caalamiya Oo Maanta Ka Furmay Muqdisho, Jubbaland Iyo Puntland Oo Ka Maqan

Muqdisho (HCTV) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa Maanta ka furmay Shirka Madasha iskaashiga.

Shirkan ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, madax ka socota Midowga Yurub, Uruka iskaashiga Islqamka, Qaramada Midoobay iyo wakiillada 50 Dowladood oo Saaxiib la’ah Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa si rasmi ah u furay Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana furitaanka Shirka goob-joog ka ahaa Ergeyga gaarka ah ee  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan  iyo Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera.

Raysal-Wasaare ku-xigeenka ayaa ka hadlay horumarrada dowladda sameysay, isagoo ka warbixinaya labadii sano wixii dowladda u qabsoomay,  waxaa uu xusay in dowladda ay diyaarisay sharciga doorashooyinka oo  hor yaalla Baarlamaanka, isagoo xusay in doorashooyinku noqon doonaan kuwo dadweyne oo Hal Cod iyo Hal Qof ah.

Shirkan ayaa waxa ka maqan oo aan ka qayb-gelin Maamul-gobolleedyada Soomaaliya, sida Jubbaland iyo Puntland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka