Akhri: Farriin Ku Socota Madaxweyne Muuse Biixi

Mudane Madaxweyne waligay farriin kuumaan soo dirin, maanta se waa ay ka fursan weyday. Haddii aannu nahay dadweynaha reer Hargeysa waxaannu u doqonniimo samirnay dhibaatada iyo wax-qabad la’aanta dawladda hoose ee Hargeysa la joogaan ee aad ogtahay. Muddo 7 sanno ah waxa nalaga qaadaa cashuur, ciddii ay ku baaqatana waxa lagala baxaa albaabada guryahooda. Wax yar oo cashuurtaas ka mid ahna nalaguma soo celiyo. Qashinka qoys waliba iyaga ayaa bixiya lacagta lagaga qaado, biyaha annaga ayaa iibsanna, laydhka iyo meelo badan ilaalada habeenkii xaafadaha waardiyeeyana sidoo kale. Hawada ayaa bilaash ah Hargeysa, taasina Alle mahaddii iyaga ayaanay gacanta ugu jirin.

Mudane madaxweyne, sida aad ogtahay ma haysanno meel hagaagsan oo la maro dad iyo gaadiidba. Magaalo dhan oo Milyan iyo dheeraad qof ku noolyihiin oo aan lahayn fayo-dhowr, bilic iyo buqcado dadweyne ayaa dalka aad maamusho caasimad u ah.

25-ka qof ee laba ka mid ahi maayir iyo ku-xigeen ugu magacaaban yihiin Hargeysi, waxa ay muddadii ay joogeen ku guuleysteen helidda hanti aan laga xisaabin oo ay ugu tagrifaleen sida ay dooneen iyaga oo aan ka xishoon garaadka bulshada ayey sida aad ogtahay faan aan miyir lahayn la soo taagan yihiin. Waa kuwa leh bisadaha ayaa Hargeysa ku raaxeysta iyada oo dayaca maamul ee Hargeysi galaaftay nolosha aadame sharfan. Adiga ayaa goobjoog u ahaa Madaxweyne maydadkoodii iyo dhaawacoodii dadkaas maamul darradoodu halligtay oo carruur iyo cirrooleba ahaa.

Mudane Madaxweyne Illaahay baan kugu dhaarshee Hargeysa oo caasimad ahayd muddo 28 sanno ah oo duruufteedu sidaa tahay caasimad ma ugu yeedhi karnaa?! Xaasha e, waa in aynu ka khajilno in aynu duni aqoonsi aynu ka rabno caasimad sidan ah ku soo dhawayno.

Hargeysi waa magaalo mug weyn oo taariikh iyo marxaldo badan soo martay. Waa magaalo guud ahaana ku weyn qof walba oo Soomaali ah. Waa magaalo ka mid ah magaalooyinka dad badani ku hammiyaan in ay yimaaddaan ugu yaraan, ama nolol ka sameeyaan. Laakiin nasiib daran oo aan weli helin cid u shaqaysa cid ka shaqysata mooyaane.

Mudane madaxweyne hadda samirkii iyo dulqaadkiiba way dhammaadeen. Bulshadu waa ay ogtahay fashilka golaha deegaanka, adna in aad tallaabo sharaftaada iyo ummaddaada dhawrta aad qaaddo ayaa la naawilaayey.

Mudane Madaxweyne, Hargeysi 5 sababood ayey kaaga mudantahay hiil:

  1. Waxa aad tahay Madaxweyne, oo caasimad bay u tahay ummadda aad hoggaanka u tahay. Xaqbay muwaadiniintu u leeyihiin in ay helaan caasimad bilic iyo basar leh.
  2. Waxa aad tahay xog-ogaal reer Hargeysa ah oo magaalooyinka kale uga war roon.
  3. Waxa aad la dagaallantay nidaamkii Siyaad Barre oo dulmi iyo duudsi aad ka diidday, maanta se intii Siyaad Hargeysa u qabtay ayaa waliba la bililiqaystay oo hiil maanta ayey u baahantahay.
  4. Waxa aad tahay muwaadin, sidaa darteed muwaadin waliba waa mid jecel in magaalo madaxdiisu noqoto tu uu ku faano.
  5. Bulshadii ku dooratay iyo kuwo aan ku dooranba qayladhaan ayay kuu soo dirayaan ah Hargeysa badbaadi.

5-taa qodob oo keli ah dartood, awoodda dastuuriga ah ee aad u leedahay in aad kala dirto golahan si walba u fashilan, si ku meel gaadh ahna qof xukuumadda ka socda u sii ahaado Maamulka Hargeysa, fadlan ku meel mari.

Farriintan wax aan kuugu soo dirayaa in aad tixgeliso oo aad hoos u eegto. Kolayna markay ugu daran tahay waa markay ugu fiicnatahay oo waxa yimaadda isbeddel.

Dadku haddii ay waayaan nidaam u jawaaba oo dantooda ka jawaaba, waxa ugu dambaynta meesha ka baxa wax wal oo nidaam ah iyo wax wal oo kala sarrayn ah sida suunnaha noloshu yahay.

Mudane madaxweyne, Waxaan rejaynayaa in ay farriintani ku soo gaadho, reer Hargeysa iyo Somaliland oo dhanna jawaabtaada ay arkaan dhawaan.

 

Sahra-Kiin C.raxmaan Axmed

Muwaadin ku nool Hargeysa oo xaqeedii baadigoobaysa.