Orodyahan Maraykan Ah Oo Danab Dilay (Akhri)

Orod yahan Maraykan ah ayaa dhintay, kadib markii uu ku dhacay danab ka dhashay Hilaac ama (biriq), sida ay xaqiijiyeen Qaban-qaabiyeyaasha Tartanka Orodka ah.

Orod yahanka oo Matalayay gobolka A.Kansas ee Dalka Maraykanka, ayaa ku soo dhawaa Bar-dhammaadka orodkaasi oo 50KM ahaa, ka hor intii aanuu danabkaasi haleelin.

Thomas Stanley oo 33 jir ahaa ayaa Geeriyooday Sabtidii Toddobaadkan, sida uu ku warramay NBC News oo Horn Cable Tv ka soo xigtay Warkan.

Waaxda Saadaasha Hawada ee Maraykanka ayaa sheegtay sanadkan oo kaliya in hillaac ama danabku uu dilay 17 ruux.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka