Madaxweynaha IRAN Walaalkii Oo 5 Sano Xabsi Ah Lagu Xukumay

Tehran (HCTV) – Nin ay Walaalo yihiin Madaxweynaha IRAN, Hassan Rouhani ayaa lagu xukumay Shan Sannadood oo Xadhig ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Fars.

“Hossein Fereydoun waxa lagu xukumay 5 Sanadood oo xabsi ah, laakiin waxa laga yaabaa inuu waajaho kiisas kale oo loo haysto.” ayuu yidhi, Afhayeen u hadlay Waaxda Garsoorka ee Dalka IRAN, kaasi oo lagu Magacaabo Gholamhossein Esmaili  

Fereydoun oo la ogaa inuu ahaa la-taliye daacad u ah Mr Rouhani, ayaa ku lug lahaa Wada-hadalladii IRAN iyo Quwadaha Adduunku ka yeesheen Nukliyeerka, kuwaasi oo dhacay 2015-kii.

Dacwadda Fereydoun oo ay wehelinayaan Lix Qof oo kale ayaa bilaabantay bishii February ee sannadkan, laakiin waaxda Garsoorku ma bixinin faahfaahin ku saabsan dambiga loo haysto Ninka ay Walaalaha yihiin Madaxweynaha IRAN.

Ninkan iyo lixda Qof ee kale ayaa Ciidammada amniga ee IRAN qabteen sannadkii 2017-kii, illaa xilligii la qabtayna uu baadhitaannadii la sameeyay u ahaa hal-beeg.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka