Somalilad: Qareeno Shaqada Laga Hakiyey

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex, Dr. Cali Suudi Diiriye ayaa Shaqadii Qareennimo ka hakiyey Saddex Looyar oo dhawaan Warbaahinta ka sheegay in Cadaalad-darro ka jirto Maxkamadaha Somaliland.

Guddoomiyaha Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex, Dr. Cali Suudi Diiriye ayaa Wareegto uu soo saaray ku sheegay in Looyarrada oo kala ah Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan, Daahir Maxamed Faarax iyo Maxamed Cali Careef ay Warar borobagaando ah ka faafiyeen Garsoorka, sidaasi darteed laga hakiyey Qareennimadii ay kaga shaqaysan jireen Maxkamadaha hoose ee Gobolka Maroodi-jeex.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqadda Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka