Shirka Iskaashiga Soomaaliya Oo Galinka Dambe Ee Maanta La Soo Gabagabeynayo

Shirka Iskaashiga Soomaaliya Oo Galinka Dambe Ee Maanta La Soo Gabagabeynayo

Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Milatariga Sudan
Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Oo Qaabilay Dhigiisa Dalka UK
Rabshadaha Itoobiya Oo Loo Xidhay 5 Kun Qof Oo Ay Masuuliyiin Ku Jiraan
Akhri: Sababta Ay Isku Casishay Xoghayihii Arrimaha Dibedda Ee Xisbiga WADDANI
Amiirka Qatar Oo Madaxweyne Trump Kula Kulmay Washington

Muqdisho, (HCTV) – Shirka iskaashiga Soomaaliya ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo galinka dambe ee maanta.

Shirkan Iskaashiga heerka Caalami ee Soomaaliya oo maalintii shalay furmay ayaa waxa ka soo qeyb-galay Wakiilo ka socda Dowladaha taageera Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah.

Gabagabada shirka  ee maanta waxaa ku biiraya khudbadana ka jeedin doona madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qeybgalayaasha shirka ee beesha caalamka ka socda ku qancen dadaallada dowladda federaaalka iyo sidda ay awooday in muddo kooban ku fuliso inta badan qoddobadii leysku afgartay shirarkii ka horeeyay ee ka dhacay dalka dibaddisa.

Qaar kamid ah maamul Goboleedyada,sida Puntland iyo Jubbaland ayaa shirkan qaadacay oo ka maqan,waxaana la filayaa in shirka maanta oo Arbaco ah laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: