Raysal Wasaaraha Lubnaan Oo $16 milyan Siiyey Gabadh Koonfur Afrikan Ah

Beirut, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Lubnaan Sacad Xariiri ayaa gabadh Model ah oo uu saaxiib la ahaa waxa uu siiyey lacag gaadhaysa $16 milyan.

Haweenaydan oo ka soo jeeda Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay Raysa Wasaaraha la lahayd xidhiidh jaceyl ka dib markii ay ku kulmeen goob lagu raaxaysto oo ku taala Seychelles, sida laga soo xigtay dukumiintiyada maxkamadda Koonfur Afrika oo ay heshay New York Times.

Raysal Wasaaraha, Saad Hariri, ayaan xilka Raysal Wasaaraha haynin xiligaas uu lacagta siiyey haweenaydaasi waxaanu lacagta diray sanadkii 2013-kii, arintana uma muuqato inay jabisay wax sharci ah oo Lubnaan gudaheeda ah ama Koonfur Afrika ah.

Hase yeeshee arintan ayaa muujinaysa kiis maxkamadeed oo Koonfur Afrika ka dhaca oo sannadkan hadiyado xad-dhaaf ah oo la siinayo hablaha moodalka da ‘yar, waxaanay ku soo beegantay xilli ay aad u adag tahay xaalada Mr. Hariri, siyaasiga ugu sareeya Muslimka Sunniyiinta ee Lubnaan iyo xulufada Maraykanka.

Ganacsigiisa iyo boqortooyooyinkiisa siyaasadiisu waxay hoos u dhacday waqtiyo adag, iyagoo shaqaalaha badan ka joojiyey mushaharkoodii. Isku xidhka dhismaha qoyskiisa, Saudi Oger, wuxuu joojiyey howlihiisii sanadkii 2017.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.