15 Qof Oo Ku Dhintay God Macdan Laga Qodayey Oo Dumay

DRC (HCTV) – Tobanaan Qof ayaa ku Geeriyooday markii uu dumay God Macdanta laga qodo oo ku yaalla bariga Jamuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

Godka Macdanta laga qodo ee soo dumay iyo Dhimashada Dadka waxa xaqiijisay Dawladda Congo, sida uu Maanta baahiyey Telefiishanka Al-jazeera oo uu HCTV warkan ka soo xigtay.

Shilkan ayaa ka dhacay Deegaanka Kampene oo Qiyaastii 180km Koonfur ka xiga Magaalada Kindu, sida uu sheegay Wasiirka Midnimada iyo Hawlaha Bani-aadamnimo ee Kongo, Steve Mbikayi

“14 baa dhintay, Saddex qaba dhaawacyo culusna Cisbitaalka ayaa la dhigay, kuwo kalena waalla raadinayaa..” ayuu Twitter-kiisa ku soo qoray Wasiirku, laakiin ma sheegin Tirada Dadka weli Godka ku soo jira ee la raadinayo.

Laakiin, Justin Kyanga Asumani oo u ololeeya gargaarka Dadka ayaa sheegay in Godka dumay laga soo saaray Meydadka 15 Qof “Mayedka 15 ayaa la soo saaray, kuwaasi oo laba Haween yihiin..”ayuu yidhi Justin Kyanga Asumani

Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa iyaduna sheegtay in Godku soo dumay Saacaddu markay ahayd 2-dii Duhurnimo, xilligaas oo ay goobta Macdanta laga qodo ka shaqaynayeen Rag, Dumar qaarkood uur lahaayeen isla-markaana Carruur la joogtay.

Bishii Lixaad ee sannadkan ayaa sidan oo kale God Macdanta laga qodo oo soo dumay waxa Koongo ugu dhintay 40 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka