Wasiirro Dhexdhexaadin Ka dhex Wada Beelo Dhawaan Ku Dagaalamay Gobolka Selel

Saylac (HCTV) – Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo gaadhay deegaanka Wada-jir oo ka tirsan Degmada Saylac ee Gobolka Selel, ayaa guda-galay xallinta khilaaf sababay dhimashada Hal Qof oo u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah oo halkaasi deggan.

Wasiirradan oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha, Gaashaandhigga, Wasiirka Caafimaadka, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha ee dhinaca amniga, Taliyaha hawl-gelinta Ciidammada Booliska, ayaa waxay Shalay guda-galeen Xallinta Khilaafka u dhexeeya laba beelood, khilaafkaasi oo sababay in toddobaadkii hore shaqaaqo halkaa ka dhacdo isla-markaana uu dhinto Hal Qof.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Saleebaan Cali Koore oo markii Weftiga uu hoggaaminayaa halkaa gaadheen hadlay ayaa yidhi “Labada reer ee aanu Arrinkooda halkan u joognaa intii Ilaahay abuurayba way wada noolaayeen, Qoys kastaana way is dhaleen, inuu Qofku intaas fahmo ayuun baa loo baahan yahay, Qof kasta oo ka qayb-qaatayna waanu u Mahad-naqaynaa.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Waxaanu cid kasta ka codsanaynaa inay u hoggaansamaan garta iyo go’aanka Dawladda. Haddaan Dadku aanay sidii dhaqanka ahayd u heshiinin, garta Dawladnimadana aanay aqbalin, waxa meeshaa ka soo baxayaa wuxuu noqonayaa wax adag.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Bilihii u dambeeyay goobo badan oo la deggan yahay oo Somaliland ah ayaa dhibkaasi ka socday, markaa waxa Dawladda ka go’an inay go’aan adag ka qaadato shaqaaqooyinka soo noqnoqonaya…”

Labada Beelood ee arrinkooda lagu jiro ayaa waxay ku muransan Dhul laga abuurayo Beero cusub.

Weftiga Wasiirrada ah ka sakow, waxa hore halkaa ugu sugnaa Maamulka Gobolka Selel iyo Ururro ka mid ah Ciidammada Qaranka Somaliland oo labada Beelood kala dhex taagnaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka