Ciraaq: Mudaharaaddo Ay 13 Ku Dhinteen, 400 Ku Dhaawacmeen

Baqdaad (HCTV) – Magaalada Baqdaad ee Caasimadda u ah Dalka Ciraaq ayaa lagu soo rogay, ka dib Mudaharaaddo dhimasho sababay oo labadii Maalmood ee u dambeeyay ka socday halkaasi.

Mudaharaadeyaasha ayaa ka cabanaya Shaqo la’aan iyo Musuqmaaq ka jira laamaha Dawladda Ciraaq, kaasi oo markii dambe isku beddelay Rabshado keenay dhimashada 13 Qof yo boqollaal dhaawac ah.

Ilaa salaasadii oo Baqdaad lagu soo rogay Bandoo, waxay Mudaharaaddadu ku fidayeen Magaalooyinka kale ee Ciraaq, gaar ahaan Magaalooyinka ku yaalla Koonfurta dalkaasi.

Mudahaaradaddan ayaa imanaya iyadoo Xukuumadda Raysal-wasaare Adel Abdul Mahdi ay xilka hayso muddo hal Sano ah.

Tirada Dhimashada ayaa korodhay Khamiistii la soo dhaafay, ka dib markii laba dibed-baxe ay ku dhinteen iska hor-imaad ka dhacay habeennimadii Arbacada Caasimadda Koonfurta Ciraaq ee Nasriya, halkaasi oo dhimashooyin kalena hore uga dhaceen.

Laakiin, isla habeennimadaa ayaa waxa Nasriya lagu toogtay lix dibed-baxe iyo Askari Boolis ah, Madaxa Caafimaadka ee Gobolkaasina wuxuu Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in Dadka ku dhaawacmay mudaharaaddada rabshadaha isku beddelay ay dhan yihiin 400.

Raysal-wasaaraha Ciraaq ayaa bandoo ku soo rogay Magaalada Baqdaad, waxaanu mabuucay in Dadku guryahooda ka soo baxaan isla-markaana aan gaadiid iyo Shacab midna waddooyinka lagu arki karin, wixii ka dambeeya 5-ta Subaxnimo.

Mudaharaadadda ayaa lagaga cabanayey Shaqo la’aan, waxaana Dawladda lagu canaanayey musuqmaasuq, laakiin markii dambe ayay rabshado isku beddaleen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka