Maxkamad Xukuntay Nin Bisado U Iibsaday Si Eydiisu Dagaalka Ugu Bartaan, Una Dilaan

Scotland (HCTV) – Nin ayaa loo xidhay dambi ah inuu soo iibsaday Bisado, si Eydiisu Qaniinyo ugu dilaan.

Ninkan oo Magaciisu yahay Mark Cuthbert ayaa Gurigiisa oo ku yaalla Koonfurta Ayrshire oo ka mid ah Scotland laga helay Bakhtiga Bisado iyo Dacawooyin, kuwaasi oo loo malaynayo in Ninku Eyda uu haysto ku laayey inta uu ku diray.

Ninkan ayaa hab Online ah ku iibsaday Bisado, iyadoo Dadka ka iibiyey aaminsanaayeen inuu u iibsanayo inay Guriga ka ilaaliyaan waxyaabaha aan loo baahnayn, sida Jiirka.

Laakiin, hadda ayuun baa la ogaaday inuu Ninkani bisadaha u iibsaday inay Eydiisu u adeegsadaan  ama u isticmaalaan sida Qalab ay ku bartaan dagaalka, sida Qoorta looga qaniino Xayawaanka kale iyo hababka kale ee ay xayawaannaadka kale ula dagaalamaan Erydu iyo weliba sida Xayawaanka loo dabo.

Cuthbert oo 42 ayaa waxa 10 bilood oo xadhig ah ku xukuntay Maxkamadda deegaanka Ayr Sheriff, ka dib markii uu qirtay dambiga.

Sidoo kale, waxa Maxkamadda xukuntay in Ninkani aanu muddo 10 sannadood ah haysan karin Xayawaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka