Somaliland Oo Wefti U Diraysa Maamul-gobolleedka Jubbaland

Hargeysa (HCTV) – Somaliland ayaa markii ugu horreysay wefti u diraysa koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo ka qayb-galaya caleema-saarka madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah weftiga tegi doona Kismaayo, ayaa sheegay in ay tagayaan caleemasaarka Madaxweyne Madoobe isaga iyo shan qof oo kare oo ay ku jiraan xildhibaano, wasiirro hore iyo xisbiyada mucaaridka ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in iyagu ay ka codsadeen Axmed Madoobe in uu ku casuumo caleemasaarkiisa, isaguna ka aqbalay.

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa toddobaadkan sheegay in Somaliland ay wefti halkaasi u dirayso.

Sidoo kale, Xildhibaan Indho-indho oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa hore u sheegay inay ka qayb-galayaan Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed-madoobe.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka