Kenya: 10 Xildhibaan Oo Kuraastooda Waayi Doona

Nairobi, (HCTV) – Ugu yaraan toban xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa waayi doona kuraastooda, sida ay sheegtay waaxda Anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Kenya oo ku eedaysay xildhibaanadaasi inay haystaan laba dhalasho ama Baasaabooro dalal shisheeye ah, taas oo sharci ahaan khalad ah.

Agaasimaha hay’adda Anshaxa iyo la dagaaanka Musuqmaasuqa Kenya, Twalib Mbarak ayaa sheegay in dhammaan saraakiisha dowladda la baadhi doono, waxaanay talaabadani timid ka dib markii Okiya Omutatah uu weydiistay guddida inay baadhaan 10 xildhibaan oo ka tirsan aqalka Baarlamaanka Kenya, kuwaas oo lagu eedeeyey inay haystaan baasabooro ajnabi.

“EACC waxay biloowday baadhitaano si loo xaqiijiyo eedeymahan iyada oo la eegayo in tallaabo ku habboon laga qaado saraakiisha dowladda si sharciga waafaqsan,” ayuu Mr Mbarak ku yidgi hadal uu soo saaray.

“Ficilka noocan oo kale ah waxaa ka mid noqon kara in la sameeyo hannaan xilka looga xayuubiyo ku xadgudubka qodobka Lixaad ee dastuurka.”

Xildhibaan Omutatah wuxuu sheegtey inay heystaan ​​labo dhalasho xildhibaanada kala ah Aden Ducaale, Yusuf Hassan, Safia Abdi. Aadan Xaaji Cali, Maxamed Daahir Ducaale, Maxamed Garane, Charles Ngusya Nguna, Jane Kihara, Ledama Ole Kina, iyo Susan Kihika.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.