Ciidammada Isreal Oo Dilay 28 Jir Falastiini Ah, Dhaawacayna 54 Kale

Qaza (HCTV) – Ciidamada Israel ayaa Dilay Dad Falastiiniyiin ah Oo Mudaharaad dhigayay, waxayna dhaawaceen Dad ay Tiradoodu Gaadhayso 54 Qof.

Mudaharaadayaasha ay Ciidammada Isreal toogashada ku dileen, kuna dhaawaceen ayaa ku banaan baxayey Marinka Qaza.

Dadka ku dhintay Rasaasta Ciidammada amniga Isreal ayaa waxaa ka mid ahaa Wiil Macagaciisu  ahaa Alaa Nisar Hamdan Oo Da”diisu ahayd 28 Jir, kaasi ayaa u geeriyooday Rasaas ay laabta kaga dhufteen Ciidammada Isreal.

Sidaana waxa xaqiijiyey Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin, waxaanu sheegay In Dadka dhaawacmay 22 ka mid ah Lagu Toogtay Rasaas nool.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa isugu soo baxay kuna soo  dhawaaday Agagaarka xayndaabka Ee Rabshadahu Ka Taagan yihiin, si ay uga qayb Galaan Mudaharaadyo Isdabajoog ah Toddobaadle ah oo bilaabmay 2018-kii bishii March.

Toogashada Ciidammada Isreal ayaa dhacday Jimcihii Shalay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka