MAQAAL: Togdheer & Sanag Waxay U Baahan Yihiin Rayaale Oo Kale

Tan iyo intii ka dambaysay doorashadii madaxtooyadu waxay dadku kala noqdeen rufucyo, siyaasi waliba wuxuu meel ku xidhay xaafadiisii hoose, taas oo keentay in bulshado furfuranto, illaa haddana sidii xaaladdu ahaato.

Bulshada Awdal oo tafaafuruqu ku yaraa waxa saameeyey doorashadii dhowayd, taas oo sidii beelaha kale noqotay sii aanay iyo rufuc rufuc, waxay madax dhaqameedkuna kala raaceen uun siyaasiyiintooda arrintan ku hogaaminaysa.

Doorashadani waxay sababtay in xitaa qoysas badan ku burburaan oo nin iyo naagtii kala raacaan musharaxiinta, ka dibna ay halkasi ku kala tagaan, waana doorashadii ugu saamaynta xumayd ee qoysas kala dira.

Madaxweynihii hore Daahir Rayaale waxa uu isku dayey inuu xal u helo tafaraaruqa siyaasaddu sababta u tahay ee gobolka Awdal, waxaanu dhamaan isku keenay madax dhaqameedkii gobolka si bulshada loo mideeyo.

Maadaama oo Daahir Rayaale loo arko nin dhexdhexaad ah waxay keentay inay ayidaan arrinkiisii oo isku raacaan oo khilaafyadii beelaha la soo afjaro, waxaanay hortiisa kaga dhowaaqeen in sidii hore xaalka lagu celiyoo oo la iska wada saamaxo oo dhaqankii fiicnaa ee walaalaha lagu ahaa dib loogu noqdo, siyaasadduna aanay bulshada gobolka kala qaybin.

Hadaba, mar haddii Rayaale u kacay Awdal, waxa loo baahan yahay in Togdheer iyo Sanaag ka soo dhex baxo shakhsi dhexdhexaad ah oo bulshada isku keena oo xurguftii doorashadu keentay dib u masaxa oo bulshada walaaleeya.

 

W/Q: Barkhad-Ladiif Cumar