Ciraaq: Dhimashada Dibed-Baxayaasha Oo Gaadhay 72, 540 La Xidhay Iyo Wararkii U Dambeeyay

Baqdaad (HCTV) – Dawladda Ciraaq ayaa Caasimadda Baqdaad ka qaadday Bandoo saarnayd illaa Salaasadii, Maalmo ka dib markii Rasaasta ay Boolisku ku ridayaan Mudaharadayaashu dishay 72 Qof.

Waddooyinka yimaadda badhtmaha Magaalada Ciraaq ee Baqdaad ayaa Dawladdu xidhay, cabsi laga qabo in Muwaadiniinta Mudaharaadyada wadaa iskugu yimaaddaan, maaddaama oo Bandoodii la qaaday.

Laakiin, Shantii Maalmood ee  u dambeeyay Mudaharaaddo ka sii socday Magaalooyinka Koonfurta Ciraaq ayaa waxa ku Geeriyooday dad tiro badan, kuwaasi oo gaadhaya 72, halka dhaawacuna gaadhayo illaa 500, sida laga soo xigtay guddida xuquuqal iinsaanka ee Baarlamaanka Ciraaq.

Guud ahaan, 540 Dibed-baxayaal ah ayaa la xidhay, waxaanu Raysal-wasaare Adel Abdel Mahdi amray in xayiraadda saaran Internet-ku ay sii jirto.

Inta Mudaharaaddadu socdaan waxa Boolisku ay dibed-baxayaasha ku eedeeyeen in Rag ku dhex dhuumanayaa tooganayaan Booliska, illaa haddana ay Geeriyoodeen Dhowr askari oo Boolis ahi.

Dibed-baxayaasha ayaa ka cabanaya shaqo la’aan, Adeegyo xumo ka jirta Xarumaha Dawladdu maamusho.

Mudaharaadka ayaa Salaasadii la soo dhaafay ka bilaabmay Baqdaad, waxaanu ku fiday Magaalooyinka kale ee ciraaq, gaar ahaan Magaalooyinka ay Shiicadu ku badan tahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka