Cali Khaliif Galaydh Oo Berri Muqdisho Tagaya

Hargeysa (HCTV) – Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay inuu Safar ku tagayo Magaalada Muqdisho, Isniinta Berri.

Galaydh oo Maanta ka ambo-baxay Magaalada Hargeysa ayaa tagaya Magaalada Addis Ababa, ka dibna waxa uu berri u duuli doonaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Sidaana waxa xaqiijiyey Cali Khaliif Galaydh oo intaanu ka ambo-bixin Hargeysa Saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal “Safar Deg-deg ah ayaa i soo galay, Magaalada Addis Ababa ayaan Caawa joogayaa, ka bacdina Xamar baan u gudbayaa.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inuu arrin gaar u ah u tagayo Muqdisho “Arrin ii gaar ah ayaan Xamar u aadayaa, waayo? Niman guddi ah oo aanu hawshii Somaliland wada wadnay muddo dhowr Sano ah, ayaa hadda kala maqan hawshiina way noo dhadhowdahay, Dalka Dibeddiisa ayay Saddex ka mid ah 7-dii ku maqan yihiin, waxayna maqnaanayaan 10 cisho, Anniguna arrintaa (ii gaarka ah) ayaa Xamar u aadayaa..”

Galaydh waxa uu rejo ka muujiyey in Heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo kala saxeexdeen la dhaqan-gelin doono marka uu Xamar ka soo laabto “Waxaanan ku rejo weynahay in arrintaa Dadka reer Khaatumo muddada dheer sugayeen la kala tuuri doono.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka