Wasiirkii Amniga Jubbaland Iyo Sarkaal Ciidan Oo Maxkamad La Hor Keenay

Muqdisho, (HCTV) – Cabdirashiid Xassan Nuur Janan oo ahaa Wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland iyo Nin kale oo magaciisa la yidhaa Aadan Maxamed oo ahaa taliye ciidamo ka howlgali jiray degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa maanta la horkeenay Maxkamada gobolka Banaadir.

Cabdirashiid Xassan Nuur (Janan) ayaa gacanta dowladda Soomaaliya ku jiray tan iyo bishii September, ee la soo dhaafay waxaana lagu eedeynayaa in uu ka geystay gobolka Gedo tacdiyo ka dhan ah Bani’aadannimada sanadkii 2015-ka.

Dacwad ku soo oogista Cabdirashiid Janan ayaa imaneysa xili khilaaf xooggan uu u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul gobolleedka Jubbaland, waxaana xusid mudan in bishii April ee sanadkan Maxkamadda Gobolka Banaadir baabi’isay dhammaan eedeymihii loo heystay Wasiir Janan.

Dowladda Soomaaliya ayaa qabatay Wasiirka  dhamaadkii bishii August ee sanadkan xili uu Transit ku ahaa magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa  hore u cambaareeyay xadhiga Wasiirka oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, iyaga oo dalbaday in sida ugu dhakhsaha badan loo sii daayo.

Eedeymaha loo heysto ayaa waxaa ka mid ah dad lagu dhex dilay Xabsiyo ku yaala gobolka Gedo iyaga oo aan maxkamada la soo taagin iyo waliba tacadiyo kale oo sida la sheegay loogu geystay dad rayid ah amar uu bixiyay Cabdirashiid Janan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.