Garyaqaanka Guud Oo Sheegay Inaan Cid Somaliland Ka Tirsani Ka Qaybgali Karin Caleema-Saarka Axmed Madoobe

Hargeysa, (HCTV) – Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal ayaa sheegay inaan cid Somaliland ka tirsani aanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee u gaarka ah Somalia, marka laga reebo arinta waddahadalada Somaliland iyo Somalia oo xukuumadda Somalliland ay ka qaybgali karto, sida uu Garyaqaanku hadalka u dhigay.

Garyaqaanka guud ee Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, waxa uu sidaasi sheegay mar uu maanta u waramayey Telefishanka HCTV, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Ninka odhanaya ama cida odhanaysa inay ka qabgasho caleemo-saarka gobol ka mid ah Somalia waa arin siyaasadeed, arimaha siyaasiga ahna in laga qaybgalo waxa aynu u leenahay go’aan labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ay si wadajir ah usoo saareen oo ay hore ugu mamnuuceen in dhamaan qaybaha bulshada, ha noqoto aqoonyahan, Madaxdhaqameed, Siyaasiyiin iyo xildhibaan ciday doonaanba ha noqotee inaanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee Somalia,” ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, waxaanu intaasi ku daray “Waxa kaliya ee Baarlamaanku waxkabadal ku sameeyey oo u ogolaaday xukuumadu inay ka qaybgali karto arimaha wadahadalada Somaliland iyo Somalia ay wadaleeyihiin, markaa cida kaliya ee awood u leh (mandate) inay ka qaybgalaan arimaha siyaasiga ah ee Somalia waa xukuumadda, cid kale oo Somaliland magaceeda ku hadli karta ama sheegan karta oo dhanaysa waxaan ka qaybgalayaa arimaha Somalia, ama caleemo-saar ha noqoto ama shirarkooda ha noqoto ama dawladd dhisidooda ha noqotee ama dib u heshiisiintooda ha noqotee ma jirto,” ayuu yidh Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.