Sweden: Kuuriyada Woqooyi Oo Joojisay Wadahadaladii Nukliyeerka Ee Ay La Lahayd Maraykanka

Stockholm, (HCTV) – Dalka Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtay inay joojisay wadahadalo dhinaca Nuclear-ka ah oo ay la lahayd dalka Maraykanka oo ka dhici lahaa dalka Sweden.

Wadahadaladan oo noqon lahaa kuwo heerkoodu aad u sareeyo oo ka dhaca dalka Sweden oo dhexmarayey masuuliyiinta Pyongyang iyo Washington ayaa burburay kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay in la baabiinayo dhamaan rajooyinka wadahadalada.

Wadahadalka, oo ka dhacayay xarunta shirarka  oo ku taala magaalada Stockholm, waxay ahaayeen wada hadaladii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ay kulmeen bishii June waxayna isla garteen in dib loo billaabo wadaxaajoodkii dib u dhacay ka dib shirkii fashilmay ee ka dhacay Vietnam bishii February.

Madaxa wadahadalada Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi, Kim Myong Gil, oo wadahadalo la yeeshay wefti Maraykan ah, ayaa ku dhaleeceeyey fashilka kulankan wax uu ugu yeedhay dabacsanaan la’aanta Maraykanka, isagoo sheegay in gorgortanka kale ee kooxda “ma dhiibi doonaan aragtidooda hore iyo dhaqankooda” .

“Wadaxaajoodku ma fulin rajadii aan filaynay ugu dambeyntiina way burbureen,” Kim Myong Gil ayaa u sheegay wariyeyaasha banaanka safaaradda Kuuriyada Waqooyi, isagoo la hadlaya turjubaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.