14 Qof Oo Dalxiiseyaal Ahaa Oo La Dilay Iyo 18 Reer Ruwanda Ah Oo La Dhaawacay

Ruwanda (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Ruwanda ayaa sheegay inay dileen 19 Dagaalyahan, kuwo kalena ay weli ku daba jiraan, ka dib markii dablaydaasi 14 Qof ku dileen goob loo dalxiis tago.

Afhayeenka Ciidammada Booliska, John Bosco Kabera ayaa sheegay in Axaddii la xidhay 5 ka mid ah Dablayda weerarka geysatay, ayaa laga soo xidhay  Degmada Musanze oo ku dhow xadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

Musanze ayaa ah degmo ku caan ah Dadka Daxiiseyaasha ah eek u socda Goobta loo dalxiis tago Volcanoes National Park, halkaasi oo ay ku dhaqan yihiin Duur-joog uu Daanyeerku ka mid yahay, gaar ahaan nooca loo yaqaano Goriilaha.

illaa hadda lama kala caddaynin Dalalka ay u dhasheen 14-ka Dalxiiseyaasha ee Weerarka lagu dilay, laakiin waxa ku dhaawacmay 18 Qof oo u dhashay Ruwanda.

Tobannaan Jabhadood ayaa ka dhaqdhaqaaqa bariga dalka Macdanta Qaniga ku ah ee Kongo, waxaana dhanka Congo laga soo weerarray degmooyin Ruwanda ku yaalla, Weerarradaasi soo noqnoqday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka