Sucuudiga: Lamaaneyaasha Aan Is-qabin Oo Huteellada Wada Degi Kara

Saudi (HCTV) – Dawladda Sucuudiga ayaa ogolaatay in Lamaaneyaasha aan is-qabin (Wiil iyo Gabadh) ay si wada-jir ah u wada degi karaan Qolalka Huteellada Hurdada ee ku yaalla gudaha Dalka Sucuudiga.

Sidoo kale, Dumarka ayaa keligood degi kara Huteellada, halka hore la ogolayn.

Wakhtiyadii hore, waxay ahayd in Lamaaneyaashu caddeeyaan inay is-qabaan ka hor inta aanay wada degin Qolalka Huteellada Hurdada ee Sucuudi Carabiya.

Tallaabada dawladdu qaadday ayaa qayb ka ah dedaallo uu Sucuudigu kor ugu qaadayo Dalxiiskiisa, sida ay baahinayaan Warbaahinta Caalamiga ahi.

Waa Maxay Isbeddelka Cusub ?

Xilliyadii hore, Lamaaneyaashu waxay ahayd inay keenaan Waraaqaha caddaynaya inay is-guusadeen oo ay lamaane yihiin, laakiin sharcigaa waxa meesha looga saaray si loo soo dhaweeyo Lamaaneyaasha Ajaanibka ah ee doonaya inay Dalxiis ku tagaan Sucuudiga.

 “Dhammaan Dadka Sucuudiyaanka ah waxa la waydiinayaa inay tusaan (Huteelka) Aqoonsiga Qoyska (ama inay lamaane yihiin)..” sidaa waxa yidhi, Komiishanka Dalxiiska ee Sucuudiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka